Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa Ka Jira In Qof Qaba Cudurka Coronavirus Laga Helay Magaalada Berbera??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Saacadihii la soo dhaafay waxa baraha bulshadu ku xidhiidho lagu baahiyay in magaalada Berbera lagu hayo qof nin ah oo u dhashay dalka Shiinaha oo qaba cudurka Covid 19.


Maamulka gobolka Saaxil iyo kan degmada Berbera oo goor-dhawayd la hadlay warbaahinta ayaa si wada-jir ah u beeniyay warkaasi.


Dhan kale wararka ay Somalilandtoday ka helayso magaalada Berbera ayaa waxa ay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay Wariye Cabdirashiid Cadare oo ka hawl-gala Telefishanka Universal Tv oo isaga warkan ku baahiyay bartiisa facebook-ga.


Guddida heer qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland u xil-saartay u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka COVID19 ayaa hore uga digay in la faafiyo warar aan la hubin oo la xidhiidha cudurka COVID19 .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this