Deeq A. Posted March 29, 2020 Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay warar saacadihii lasoo dhaafay la i’sla dhex-marayey baraha bulshada oo ku aadan in wadahadal uu kula jiro xubno ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Sayid Aadan ayaa wararkaasi ku tilmaamay kuwa looga been abuurtay oo waxba kama jiraan ah, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wadahadalka Jubbaland iyo dowladda dhexe uusan noqon doonin mid suuq madow ah, islamarkaana ay diyaar u yihiin in deganaan iyo wadahadal toos ah lagu dhameeyo khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/turki-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites