Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka NISA oo la wareegay amniga Senator Dhagey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugida ay la wareegeen amniga Senator Yuusuf Geelle Dhagey oo ka tirsan golaha aqalka sare ee BFS, kaasi oo uu shalay askari ilaaladiisa ka mid ahaa uu dil ka geystay magaaladaaasi.

Ehellada marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Shaafici Xaaji Diiriye ayaa ka carooday sida macno darrada ah ee  lagu dilay wiilkooda, iyagoona sheegay in aan la aasi doonin inta cadaalada la marsiinayo shaqsigii falkaasi ka dambeeyey.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay ay gacanta ku hayaan ciidamada nabad sugida dowladda ee ka howlgala magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana soo socda wadahadallo la doonayo in lagu xaliyo xiisada ka dhalatay dilka wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this