Deeq A. Posted March 29, 2020 Wararka naga soo gaaraya G/Baay ee ayaa sheegaya in saaka ay dagan tahay xaaladda degmada Buurhakaba oo ay ku dagaalameen ciidan ka wada tirsan K/Galbeed. Iska hor imaadka oo ka dhacay gudaha degmadaasi ayaa waxaa ku dhintay illaa 2 askari iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale oo ka tirsan ciidanka daraawiishta maamulkaasi. Mid ka mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo ku baxay xiisadaasi ayaa Shabelle uga warramay sida ay wax u dhaceen iyo haatan sida ay tahay xaaladda. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Jaamac-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites