Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo sheegtay in aysan hakin waxyaabaha qutul daruuriga ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aan la hakinin waxyaabaha lagama-maarmaanka u ah Biniaadamka sida qutul daruuriga ah.

Maareeyaha Hey’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo goor dhaw la hadalay Warnaahinta ayaa sheegay in duulismaadyada la hakiyay ee gudaha dalka kaliya ay yihiin tan Rakaabka dadweynaha, balse aysan ka ku jiran alaabada qutul daruuriga sida raashinka ,daawada, qalabka baabuurta iyo waxii la mid ah oo dadweyanaha aysanka ka maarmin.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliyeed iyadoo u tureysa shacabka ay ku dadaaleyso in culeys farabadan aysan la kulmin hase ahaatee ay u digeyso dadka ka been abuurana u sheegtay warar aan xaqiiqda ku saleeysneen inay ka waantoobaan.

Axmed Macalin Macalin Maareeyaha Hey’adda duulista rayidka waxaa kaloo uu intaa ku daray in alaabaha dibada ka yimaada sida raashinta, daawada iyo waxa la mid ah ay u fasaxan yihiin in dalka la keeno.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this