Deeq A. Posted March 29, 2020 War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ayaa waxaa lagu faah faahiyey duqeyn diyaaradahooda ay ka fuliyeen deegaanka Buula Fuulaay ee G/Baay. Duqeynta oo dhacday 27-kii bishaan ayaa Africom wax ay sheegtay in la beegsatay xubno ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab. Africom ayaa sidoo kale xaqiijisay in weerarkaasi dhanka cirka ah ay ku dishay illaa laba dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale war-saxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in uusan jirin khasaare duqeyntaasi ka soo gaartay dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. Mareykanka ayaa sanadkaan 2020-ka sare u qaaday howlgallada milatari ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo ka dhan ah Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites