Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Tanzania Oo Diiday In La Xidho Goobaha Lagu Cibaadeysto

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Tanzania)-Madaxweynaha Tanzania John Magafuli ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kaddib markii uu diiday in la xidho goobaha cibaadada, si loo xakameeyo Cudurka Coronavirus.

Inkastoo dowladda Tanzania ay qaaday tallaabooyinka lagaga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus ayaa xidhay Iskuulada, karantiilka dadka ajaaniibta iyo mamnuucida munaasabadaha ay dadka isugu yimaadaan, balse dowladda ayaa diiday in la xidho Kaniisadaha.

John Magafuli ayaa sheegay in Fayraska uu yahay Shaydaan, sidaas darteed aanu ku kobci karin kaniisadaha sida uu hadalka u dhigay.

Hase ahaatee Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Civic United Front Ibraahim Lipumba ayaa VOA u sheegay in haddii dadku sii wadaan isu imaatinka fagaaarayaasha dadka badan isugu yimaadaan uu khatar ka imaan karo.

Dalalka Adduunka ayaa gebi ahaanba joojiyay isu socodka duulimaadyada, isu imaanshaha fagaarayaasha, waxaana magaalooyin badan la geliyay bandow, si dadka guryahooda u joogaan, loogana hortago Coronavirus inuu faafo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this