Sign in to follow this  
Deeq A.

Qof Looga Shakisan Yahay Cudurka Coronavirus Oo Xalay Ku Geeriyooday Magaalada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Qof kamid ah dadkii lagu hayay xarunta karantiilka dadka looga shakiyo cudurka Coronavirus ee magaalada Garowe ayaa xalay geeriyooday, iyadoo aan weli lasoo saarin jawaabta baadhitaankiisa.

Agaasime ku xigeenka Cisbitaalka guud ee Garowe, Dr, Maxamuud Abdrishiid, ayaa bartiisa facebook ku sheegay, in bukaanka geeriyooday uu ka yimid dalka Itoobiya uuna lahaa calaamadaha muujinayay COVID-19.

Illaa iyo hadda lama oga qofkaan geeriyooday inuu u geeriyooday cudurka amma inuu qabay xanuuno kale. Guddiga u xilsaan xakamaynta cudurkaan ayaa laga sugayaa inay ka hadlaan arrintaan.

Dhinaca kale, Wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Yusuf Xaaji, ayaa sheegay in dadka lagu hayo xarunta karantiilka laga helay qaar kamid ah calaamadaha cudurka, isagoo sheegay in laba ama saddex maalmood kadib ay soo bixidoonto natiijada baadhitaan lagu sameeyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this