Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag weerar qorsheynayey oo lagu dilay Bariire & Wararkii ugu dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda howlgal ay ka fuliyeen duleedka Bariire ay ku dileen rag hubeysan oo qorsheynayey inay weerar ka geystaan deegaankaasi.

Ragga la dilay oo gaarayey illaa afar ruux ayaa saraakiil ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya waxa ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in raggaasi ay damacsanaayeen inay weeraraan saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu dambeyn saraakiishaasi ayaa carabka ku dhuftay inay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay khaarijiyeen afarta nin, kana furteen hubkii ay wateen.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan toogashada loo geystay afartaasi xubnood.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xilliyada habeenkii ah weeraro gaadma ah ku qaada saldhigyada ciidan ee ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada huwanta ayaa dhankooda muddooyinkii la soo dhaafay kordhiyey howlgallada ay ka wadaan gobolkaasi, iyagoona Al-Shabaab kala wareegay deegaano hor leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this