Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo si yaab leh uga hadashay cudurka Coronavirus ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si kooban uga hadashay cudurka Coronavirus ee kusii faafaya dunida, islamarkaana kiisas dhowr ah oo la xiriira laga xaqiijiyey gudaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay shir ay yeesheen hoggaanka Al-Shabaab, culimada taageertay kooxdaas iyo odayaasha deegaanada ay maamulaan ayaa bulshada loogu baaqay inay ka fogaadaan cudurka Coronavirus iyo kan HIV.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku eedeysay ciidamada shisheeyaha ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera “inay kaalin ka qaadanayaan” faafitaanka cudurkan, sida lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Waxaa bulshada Muslimka ah loogu baaqayaa inay ka digtoonaadaan cudurada faafa ee kusoo badanaya dunida sida Coronavirus iyo HIV-ga, taasoo ay faafinteedu kaalin lixaadleh ka qaadanayaan ciidamada saliibiga ah ee dalka kusoo duulay, iyo dolwadaha gaalada ah ee taageerada siiya,” ayaa lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in qofkii saddexaad oo Muqdisho ku sugan laga helay cudurka Coronavirus, kaasi oo ah qof ajnabi ah oo la shaqeeyaa xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM.

Dhinaca kale, wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in beri wixii ka dambeeya dhammaan la joojiyey duulimaadyada gudaha ee isaga kala gooshi jiray Muqdisho iyo goboladda kale ee dalka, si loo xakameeyo faafitaanka Coronavirus.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this