Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahin: Ilaalada Senetor Dhageey Oo Dhuusamareeb Dil Ka Geysatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobleedka Galmudug ayaa ku waramayo in dil loogu geystay magaaadaasi  xubin hore oo ka tirsanaan jiray  ururka Ahlusunna, waxaana dilkaasi geysatay qaar ka tirsan ilaalada Senetor Dhageey.

Dilka ayaa yimid  ka dib markii gaari uu watay Marxuum Shaafici Xaaji Diiriye ay rasaas ku fureen ilaalada Hoyga Seneter Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey, xili marxuumka uu watay gaari nuuca raaxada ah xili uu marayey meel u dhow koontarool ciimada ay la haayeen.

Majiro wax wara  oo ilaa iyo hadda ka soo baxay ciidamada Booliska oo ku aaddan dilka maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

ciidamada dowladda iyo ku ilaalada u ah mas’uuliyiinta kale ee sugan magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug ayaa marka qaar waxaa dil bareer ah kala kulmaan dadka shacabka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this