Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo go’aano cusub ka soo saartay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Bulshada ku nool gobolka Nugaal, gaar ahaan caasimadda Garowe ayaa lagu amray in aysan guryahooda ka soo bixin, islamarkaana ay yareeyaan isu-socodka iyo dhaq dhaqaaqyada aan muhiimka ahayn, si looga fogaado cudurka Coronavirus.

Maamulka gobolka Nugaal oo amarkan soo saaray ayaa sidoo kale mamnuucay in la qabto kulamo siyaasadeed iyo dhammaan isu-imaatinnada dadweynaha.

Qoraalkaan oo maanta ah soo baxay ayaa lagu go’aamiyay in ay sii xirnaadaan goobaha waxbarashada oo ay horay u fasaxday wasaaradda waxbarashada Puntland.

Sidoo kale maamulka ayaa ku hanjabay in ganaax iyo ciqaab adag la marsiin doono cid kasta oo u hoggaansami wayda amaradaasi.

Dhanka kale wararka naga soo gaaraya isla magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi lagu karantiilay dad looga shakiyey inay qabaan cudurka sida fudud ku faafa ee Coronavirus.

Dadka la karantiilay oo dhammaantood rag ah ayaa gaaraya illaa lix qof, kuwaas oo looga shakiyey xanuunka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaasi ay si iskood ah u tageen xarumaha caafimaadka, si looga qaado baaritaano ku aadan xaaladdooda.

Lixda qof ee la karantiilay ayaa lagu soo warramayaa inay dhowaan ka yimaadeen dalka dibaddiisa, islamarkaana ay tageen deegaanada Puntland.

Illaa iyo hadda ma jiro kiis ay shaacisay Puntland, balse waxaa guud ahaan deegaanada maamulkaasi ka jirta cabsi la xariirta faafitaanka cudurkaasi.

Puntland ayaa horay u qaaday tallaabo lagu xakameynayo caabuqa Coron,  iyadoona ku dhawaaqday inay xirtay xuduudaha ay la leedahay Somaliland iyo Itoobiya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this