Sign in to follow this  
Deeq A.

‘Khilaaf salka ku haya qabiil iyo dhaqaale oo kala qeybiyey hoggaanka Al-Shabaab’

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dagaal salka ku haya qabyaalad iyo maamulka maaliyadda ayaa kala qeybiyey hoggaanka kooxda Al-Shabaab, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi, oo sheegay in lala wadaagay warbixino sirdoon.

Warbixinta Daily Nation ayaa lagu sheegay in bishii tagtay amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeyda uu isku dayey inuu eryo madaxa sirdoonka iyo maaliyadda kooxda Mahad Karate, iyo madaxii howl-gallada dibedda Bashiir Qoorgaab, kadib markii ay isku qabsadeen cidda maamuleysa dhaqaalaha kooxda.

Warbixinada sirdoon ayaa sheegay in qabiilka ay kasoo jeedaan Karate iyo Qoorgaab ee Mogadishu Clan ay diideen in la eryo.

Laba toddobaad kadib Qoorgaab, oo Mareykanka ay sheegeen inuu mas’uul ka ahaa weerarkii saldhigga Manda Bay ee dalka Kenya, ayaa lagu dilay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

Warbixinta Daily Nation ayaa sheegtay in warbixino cusub oo sirdoon ay muujinayaan in geerida Qoorgaab ay kasii dartay khilaafkii iyo kala shakigii kooxda ka dhex jiray.

Horraantii March, warbixinta sirdoon ayaa sheegtay in Axmed Diiriye uu amray dilka mid ka mid ah saaxiibada Karate oo lagu magacaabay Muuse Macallin Macaawiye, oo ahaa madaxii sirdoonka gobolka Banaadir, kaasi oo lagu shirqoolay laguna dilay magaalada Bua’aale.

“Abu Cubeyda wuxuu Karate ku eedeynayaa inuu keydsanayo dhammaan lacagta canshuurta looga soo qaado beeraleyda, xoolaleyda iyo ganacsatada Muqdisho iyo goobaha kale ee Shabaab ay maamulaan. Dhinaca kale, Karate wuxuu ku doodayaa in beeshiisa Mogadishu Clan ay tahay tan ugu badan Soomaaliya, lacagta ugu badanna laga qaado, sidaas darteedna lacagta marka hore ay leeyihiin Mogadishu Clan, kadibna beelaha kale,” ayaa lagu yiri warbixinta sirdoon, sida uu qoray Daily Nation.

Ilo-wareedyada xogtan bixiyey ayaa sidoo kale sheegay in Karate uu aad uga carrooday qaraxii 14-ka October 2017 ee Zoobe, oo dadkii ku dhintay badankood ay ahaayeen beeshiisa Mogadishu Clan.

Abu Cubeyda ayaa la sheegay inay ku adkaatay inuu awoodda ka xayuubiyo Mahad Karate, sababo la xiriira nidaamka qabaliga ah oo kooxda ku xooggan.

Waxaa la sheegay inuu isku dayey inuu la xiriiro qabiillada yaryar, islamarkaana abuuro isbaheysi ka dhan ah xubnaha Mogadishu Clan ee kooxda, taasi oo weli uusan ku guuleysan, sida ay tiri wabixinta Daily Nation.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this