Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo coronavirus dartiis u joojisay duulimaadyada gudaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay in laga billaabo Axadda berrito ah la hakin doono dhamaan duullimaadyadii gudaha Dalka.

Warqad kasoo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in duullimaadyada loo ogol yahay oo keliya Diyaaradaha sida gargaarka, gaar ahaan kuwa wada Dawooyinka iyo raashinka.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale shirakadaha ka shaqeeya duullimaadyada ka dalbatay in ay u hoggaasamaan amarkan kasoo baxay wasaaradda.

Dowladda Federaalka ayaa dhawaan joojisay duulimaadyadii Caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray iyo kuwixii ka bixi jiray, si looga hortego faafida Cudurka halista ee COVID-19.

warqad-.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo coronavirus dartiis u joojisay duulimaadyada gudaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this