Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax askar lala eegtay oo ka dhacay gobolka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda qarax lagula eegtay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in la dhigay bar-control oo ciidamada milatariga ay ku leeyihiin halka loo yaqaano Manya-fulka.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta tegay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa milatariga iyo maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weerarada noocaan oo kale ah ka fuliya dalka, kuwaas oo beegsada fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this