Deeq A. Posted March 28, 2020 Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada oo xilligaas howlgal waday iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday deegaankaasi. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaan oo la’isku adeegsaday hubka noocyadaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada Al-Shabaab ay Bariire ka kaxeysteen nin lagu magacaabo Cismaajio Xaji Iikow oo maamule ka ahaa Ceel-Biyood ku yaalla halkaasi, kaas oo ay baadi goobayaan laamaha amniga. Xaaladda ayaa hadda degan, iyadoo ciidamada dowladda ay baaritaano dheeraad ah ka wadaan agagaarka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites