Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan ciidanka DF oo lagu weeraray magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo maanta lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo khudaarta.

Bam-gacmeedka ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday ciidamada kuwa canshuurta uruuriya ee loo yaqaano Minishiibiyo.

Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, taas oo aheyd haweeney, halka uu ku dhaawacmay nin kale oo oday ahaa, sida ay warbaahinta u sheegeen goobjoogayaal.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada la weeraray ay rasaas xoogan fureen bambada kadib, waxaana goobta tegay ciidamo kale oo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Weli wax faah faahin ah kama bixin weerarkaasi laamaha amniga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii weerar ismiidaamin ahaa uu ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay sheegatay Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this