Deeq A. Posted March 28, 2020 Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa shaaciyay in uu galay karan-tiil ka dib markii xubin ka tirsan shaqaalihiisa laga helay xanuunka Covid-19. Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in hawlwadeenada kale ee xafiiskiisana ay karantiil is geliyeen si looga hortago Coronavirus. Balse wax fahfaahin ah kama bixin shaqaalaha ka tirsan xafiiskiisa ee laga helay cudurka COVID-19 iyo sida uu ku qaaday xanuunka. Cudurka oo bishii December kasoo bilowday magaalada Wuhan ee bartamaha dalweynaha Shiinaha ayaa ku faafay 176 wadan oo caalamka ah. Dalalka ku yaalla Geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa dhamaantood shaaciyay kiisas la xariira xanuunkaas Coronovirus PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika oo is karantiilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites