Deeq A. Posted March 28, 2020 Tirada dadka uu ku dhacay cudurka coronavirus ee dalka Mareykanka ayaa saaka oo Sabtiya gaartay in ka badan 104,000 sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins. Jaamacadda ayaa sheegtay tirada dhimashada ee gudaha Maraykanka ay kor u dhaaftay 1,700 taasoo dhimashada dalalka dunida oo dhan ka dhigaysa 27,360. Dowladda Talyaaniga ayaa maanta soo tabisay tiradii ugu badned ee dhimashada cudurka Corona Vurus Waxaana ay sheegtay in maanta ay geeriyoodeen 919 qof. Dhanka kale Spain waxay diiwaangelisay 769 dhimasho cusub 24-kii saac ee la soo dhaafay taasoo ka dhigeysa tirada guud ee dhimashada dalka in ay gaartay 4,858 oo qof. Dalka Koonfur Afrika ayaa shaaciyay dhimashadii ugu horreysay ee ka dhalata Covid-19 oo ah xanuun ku dhaca neefmareenka uuna sababo feyraska Corona. Kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Corona gudaha qaaradda Afrika ayaa haatan gaaray in ka badan 3000 oo kiisas iyadoo dalka Koonfur Afrika uu noqday ka ugu kiisas badan. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee cudurka Coronavirus appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites