Sign in to follow this  
Deeq A.

Amiir Harry iyo marwadiisa oo ka qaxay Canada, una guuray magaalada Los Angeles

Recommended Posts

Deeq A.   
Amiir Harry iyo marwadiisa oo ka qaxay Canada, una guuray magaalada Los Angeles
b0a7919a-bf91-4e97-8343-da8ec931cc2a.jpg

Wararka ka imaanaya magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi isbuucii hore ay u soo guureen amiirka dalka Ingriiska Prins Harry (35), marwadiisa Meghan (38) iyo waliba wiilkooda yar Archie (11 bilood jir).

Qoyskan reer boqor ayaa kasoo guuray dalka Canada oo ay daganaayeen tan iyo dhammaadkii sano hore, xilligaas oo ay kasoo caroodeen dalkooda Britain arrimo qoyska reer boqor dhexdooda ah.

Muddo gaaban ka hor ayaa waxaa soo ifbaxay warar sheegayay in dowadda dalka Canada ay shaacisay in ey ska wareejindoonto masuuliyadda amni ee qoyska Harry islamarkaana ay isaga isku tashan doonaan kharash ahaan wixii amnigooda ku baxayo.

Ma cadda in sababtan ay lug ku leedahay guuritaanka Amiir Harry iyo qoyskiisa.

Xaaskiisa Meghan ayaa iyadu ah muwaadin Mareykan ah, waxaana ay horay u daganaan jirtay magaalada Los Angeles.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this