Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo la wareegeysa iskuul Masaarida ay maamulaan oo ku yaalla Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegeysa iskuul ku yaalla Muqdisho oo ay maamulaan Masaarida, sidaas ku cad qoraal ay soo saartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Qoraalka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa lagu war-geliyey Guddiga Waxbarashada reer Masar ee Soomaaliya in dowladda ay kala wareegeyso maamulka iskuulka 15 May, ayada oo la isku raacay in kala wareegista ay dhacdo 20-ka April 2020.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay inay Dugsigan 15 May ka dhigi doonta Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka.

Ma cadda sababta go’aanka loo qaatay iyo haddii arrintan ay ku ku lug leedahay xiriirka labada dal oo toddobaadyadii dhowaa u muquday mid aan wanaagsaneyn.

Soomaaliya ayaa dhowaan ka laabatay qaraar kasoo baxay Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray qadiyadda Masar ee muranka kala dhaxeeya Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay arrintan dhex-dhexaad ka tahay, balse dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa ku macneeyey la safashada Itoobiya, maadaama Masar ay xulufo iyo walaal soo jireen ah u ahayd Soomaaliya, halka Itoobiya ay tahay cadowga koowaad ee Soomaaliya.

91027260_2798302500225263_50858067495632

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this