Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad Drone ah oo laba jeer galabta dul martay xarunta NISA iyo rasaas lagu furay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad Drone ah, oo aan la xaqiijin cidda iska leh, ayaa galabta laba jeer dul-martay xarunta hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomnaaliya ee NISA, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Diyaaradda ayaa aad ugu dhowaatay xarunta korkeeda, taasi oo hoggaamisay in ilaalada xarunta ay rasaas ku furaan, sida ay wararka sheegayaan.

Illaa iyo hadda si dhaba h looma xaqiijin karo dalka laga leeyahay diyaaraddaas iyo halka ay kasoo kacday, hase yeeshee ilo-wareedyo ka tirsan NISA ayaa sheegay inay tuhunsan yihiin in diyaaraddaas laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Haddii arrintan ay xaqiiq noqoto, waxay ka macno tahay in xiisadda iyo dagaalka ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo Imaaraadka Carabta uu gaaray heer aan caadi ahayn, oo aad u xun.

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa 30-kii December waxay sheegtay in qaraxii ka dhacay Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho 28-kii December “uu qorshayntiisa lahaa” dal shisheeye.

Inkasta oo NISA aysan xilligaas magacaabin dal, haddana wargeys Turkish ah iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku aragtida ah dowladda federaalka ayaa dalkaas ku sheegay Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale, dhacdada maanta ayaa imaneysa ayada oo dhowaan wargeyska New York Times uu qoray in kooxda Al-Shabaab ay markii ugu horreysay qorsheeneyso inay weerar ku fuliso diyaarado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this