Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson oo la karantiilay Markii laga helay Xanuunka coronavirus+Qaabku u shaqeyn doono mudada karantiinka ku jiro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson oo laga helay coronavirus

  • .Boris Johnson

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa laga helay xanuunka dunida kusii faafaya ee coronavirus, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha UK ayaa shaacisay warkan.

Mr Johnson ayaa qaba calaamado sahlan oo ka mid ah kuwa uu leeyahay cudurka, wuxuuna si shakhsi ahaan ah isugu karantiilay gudaha xafiiskiisa.

“Waxaa laga baaray coronavirus kaddib markii uu si gaar ah ula taliyay madaxa waaxda caafimaadka, Chris Whitty,2 ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Boris Johson wali wuxuu sii heyn doonaa xilka iyo maamulka dowladda, xilli lala tacaalayo xasaradaha ka dhashay cudurkan, sida lagu sheegay bayaanka.

Bartiisa Twitter-ka ayuu Mr Johnson ku yiri: “24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaan isku arkay calaamado aan xoog badneyn waxaana iska baaray coronavirus. Hadda waan is karantiilay, laakiin waan sii wadi doonaan inaan dowladda ku hoggaamiyo dagaalka ay kula jirto fayraskan, anigoo shirarka uga qeyb qaadan doona muuqaal ahaan.

“Annagoo wadajir ah waan ka adkaan doonnaa arrintan.”

 

Over the last 24 hours I have developed mild symptoms and tested positive for coronavirus.

I am now self-isolating, but I will continue to lead the government’s response via video-conference as we fight this virus.

Together we will beat this. #StayHomeSaveLives pic.twitter.com/9Te6aFP0Ri

— Boris Johnson #StayHomeSaveLives (@BorisJohnson) March 27, 2020

Markii ugu dambeysay ee Mr Johnson la arkay waxay ahay habeenimadii Khamiista, xilli uu ka qeyb qaadanayay munaasabad loogu mahadcelinayay shaqaalaha Waaxda Qaran ee Caafimaadka UK (NHS).

Horaantii Isbuucan, afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dominic Raab, uu la wareegi doono howlaha Ra’iisul Wasaaraha, haddii uu Mr Johnson xanuunsado.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this