Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahfaahin ku saabsan kiiska saddexaad ee Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Kiiska saddexaad ee cudurka Corona ayaa laga helay qof  ajnabi ah, kaasi oo sidda la sheegay kamid ah shaqaalaha ka howlgala xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, sidda ay xaqiijisay wasaarada caafimaadka xukuumada federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka caafimaadka, Fowziya Abiikar Nuur, oo warbaahinta u xaqiijisay kiiskan sadexaad ee Covid-19, ayaa sheegtay in qofkan ajnabiga ah uu soo maray dhowr dal oo uu cudurku saameeyay, iyadda oo hoosta ka xariiqday in laga helay astaamaha uu xambaarsan yahay cudurka iyadoo sidoo kale tilmaamtay in uu ku jiro xalad lagu karantiilayo.

Drs Fowziyo ayaa sheegtay in isha lagu hayo meelaha cudurkan uu kasoo galayo dalka, dadka uu soo ridanayo iyo sidda loo xanaaneenayo oo loola tacaalayo xaalada dadka uu soo rito cudurkan.

Fowziya ayaa ka dhawaajisay in dalka aysan oolin sheybaarka lagu baaro Covid-19 balse lagu soo baaro wadamo dibadda ah gaar ahaan dalka Kenya, iyadoo carabka ku dhufatay in xarunta ay ku baaraan dheecanada dadka looga shakiyo xanuunkan ay tahay xarun aqoonsi ka haysata hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO.

Marka lagasoo tago Kiiskan saddexaad ee la xariira caabuqa Corona ee laga helay qof kusugan Muqdisho ayaa waxaa horay u jiray ilaa laba kiis oo la xiriira cudurkaan lagana helay laba muwaadin oo Soomaali ah, kuwaasi oo sidda ay sheegtay wasaaradda caafimaadka dowladda ay soo mareen ama ay ka kala yimaadeen wadamada Shiinaha iyo Talyaaniga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this