Sign in to follow this  
Deeq A.

UN-ka oo DF kala shaqeynaya xakameynta Covid—19

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta oo Jimce ah wuxuu shaaca ka qaadey in ay kala shaqeynayaan Dowladda Federaalka ah siddii loo xakameyn lahaa caabuqa dunida faraha ba’an ku haya ee Coronavirus.

War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka UNSOM ayaa daaha looga rogay in kaalinta ay buuxin doonan ay ku saabsan tahay siddii loo yareyn lahaa dilaac uu xanuunkaas ka sameeyo Soomaaliya.

Xirfadlayaal iyo qalab caafimaad ayay sheegeen in ay diyaar-gariyeen, kuwaasoo la shaqeyn doona xukuumadda.

Hadalka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa kusoo hagaagaya iyaddoo maanta la xaqiijiyey in shaqaale ka tirsan UNSOM uu soo ritay xanuunka Covid-19, taas oo tirada kiisaska ka dhigtay saddex.

“Ahmiyadeena waa siddii aan u daaweyn lahayn qandaraaslaha ugana hortagi lahayn faafitaan dheeraad ah oo fayruska sameeyo,” ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska.

Ruuxa ajanbiga ah ee laga helay cudurka ee ku sugan Muqdisho ayaa lagu waramay in muddo sideed maalmood ah karan-tiil ugu jiro xerada Xalane, isla markaana wax laga waydiiyo hadii ay jiraan dad kale oo uu la kulmay.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/UNSOM.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this