Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo qalab lagu baaro COVID-19 kala wareegtay dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Qalabka.jpg?w=1000&ssl=1

Wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa maanta oo Jimce ah shaacisay in ay dowladda Federaalka Soomaaliya kala wareegtay, qalab caafimad oo loogu tala-galay ka hortagidda iyo u diyaar-garowga cudurka Coronavirus.

Qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa lagu sheegay in wasaaraddu la wareegtay qeyb kamid ah qalab caafimaad oo maalmo ka hor dowladda Soomaaliya ka heshay waddanka Shiinaha, si loogula tacaalo cudurka COVID-19.

Sidoo kale, qoraalka wasaaradda ayaa lagu xusay in qalabkaas isla maanta oo Jimce ah uu soo gaari doono magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, islamarkaana loo adeegsan doono la tacaalidda bukaannada laga helo cudurka ama kuwa looga shakiyo ee Karantiilka la geliyay.

Shalay ayay ahayd, markii warsaxaafadeed ay si wada jir ah usoo saareen wasaaradka Caafimaadka heer Federaal iyo kuwa heer dowlad goboleed, ay ku sheegeen in ay u baahanyihiin lacag ku dhaw 60 milyan oo dollar si loola tacaalo xanuunka Covid-19.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo qalab lagu baaro COVID-19 kala wareegtay dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this