Deeq A. Posted March 27, 2020 Muqdisho (SMN) – In ka badan 18 qof ayaa xalay waxaa dhac wadareed loogu geystay xaafada Dabaqeynka ee degmada Dharkenley ee magaaladda Muqdisho. Dadka dhaca loo geystay ayaa kamid ahaa jameecada Masjid ku yaala halkaas, sidda ay Shabelle u sheegeen goobjoogeyaal. Qof kamid ah dadka dhibaatadaas lagula kacay ayaa sheegay in ay falkaas u geysteen dabley ku hubeysan oo aysan aqoonsan. Mid kamid ah raggii dhaca geystay ayuu xusay in uu ahaa mid shacab ah, halka ruuxa kale uu hubeysanaa. Falalka noocaa ah ayuu daboolka ka qaadey in ay joogto ka yihiin halkaas, isagoo ku baaqay wax ka qabasho deg-deg ah. Dharkenley ayaa kamid ah degmooyinka ku yaala magaala madaxda oo ay bilooyinkii u dambeeyay isa soo tarayeen cabashooyinka aan laga jawaabin ee shacabka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites