Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed Oo Wada-Hadallo Taleefan Ah La Yeeshay Madaxaweyneyaasha Kenya, Somalia, Jabuuti Iyo Raysal Wasaaraha Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed ayaa shaaciyey in wadahadallo dhanka taleefanka ah uu la yeeshay madax uu ku jiro madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo).

War qoraal ah oo uu Abiy soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu sidoo kale sheegay in wadahadallaasi ay qeyb ka ahaayeen, ra’iisul wasaaraha dalka Suudaan, madaxaweynaha Kenya, Jabuuti iyo midka Suudaanta Koonfureed.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay inay ka wadahadleen xaaladda guud ee gobolka, gaar ahaan caqabadaha haatan soo ifbaxaya.

“Waxaan isku raacnay in aan si abaabulan uga jawaabo caqabadaha soo ifbaxaya.” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Mr Abiy.

Sido kale wuxuu intaasi ku daray in aan loo baahneyn in la carqaladeeyo is-dhexgalka xooggan ee haatan u dhexeeya gobolka.

Abiy ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday in mas’uuliyiinta uu la hadlay ay ka wada arrinsadeen ka hortagga cudurka faafa ee Coronavirsus, isagoo carabka ku adkeeyey in dalalka IGAD ku jira, haddii ay iskaashaadaan ay ciyaari karaan door muhiim ah.

“Waddamada xubnaha ka ah IGAD, si urur goboleed ah, waxay ciyaari karaan kaalin hoggaamineed oo muhiim ah, si loo xakameeyo faafitaanka COVID-19 iyo in si wax ku ool ah wax looga qabto caqabadaha dhaqaale ee uu fayraskani soo rogi karo,” ayuu markale yidhi raysal wasaaraha wadanka Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Wadahadlkaan dhinaca khadka taleefanka ah ayaa dhanka kale ku soo aadaya, iyadoo ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhexeysa Masar iyo Itoobiya oo isku haya Webiga Nile.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this