Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Gaalkacyo gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Wefdi uu hogaaminayo Santar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa maanta oo Khamiis ah ka gaaray Koonfurta magaalada Gaalkacyo

Guddoomiyaha guddiga Dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Sanotor Cabsi Xasan Cawaale Qeybdiid socdaalkiisa waxaa ku wehlinaya xildhibaan Ubax tahliil ,Xildhibaan Cabdikariin ķhaliif dhalac iyo odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda Galmudug.

Garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhaweyay Madaxda maamulka gobolka kan degmada iyo qeybaha bulshada.

Wefdiga ayaa sida la sheegayo magaalada Gaalkacyo kula kulmi doono madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf waxaana socdaalkoodu qeyb ka yahay dadaalo lagu doonayo in Ex madaxweyne Xaaf lagula heshiisiiyo Qoor Qoor.

PUNTLAND POST

The post Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Gaalkacyo gaaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this