Deeq A. Posted March 26, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaarada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane danjire Axmed Ciise Cawad ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. Wasiir Cawad iyo Ambassador James Swan ayaa kawada taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,saameynta cudurka Coronavirus ee dalka iyo xiisadaha xuduuda ee dalalka Kenya iyo Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa isla soo qaaday diyaar garoowga ay dowladda Soomaaliya ay ugu jirto kahortagista cudurka dilaaga ah ee Coronavirus. Si kastaba ha’ahaatee inta uu kulankooda socday labada dhinac ayaa kawada hadlay arrimaha xuduuda Kenya iyo Soomaaliya oo sare u qaaday muranka siyaasadeed ee labada wadan u dhexeeya,kadibd dagaal Beled Xaawo ka dhacay horaantii bisha March. Dhinaca kale, James Swan ayaa wasiir Cawad ugu hambalyeeyay sida ay xal uga gaareen xiisadii ka taagneyd degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo oo dagaal halkaasi ka dhacay Kenya ay ku tilmaantay mid lagu qal qal galinayo amaanka deeganada xuduuda. Ugu danbeyn, wasiirka wasaarada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya mudane danjire Axmed Ciise Cawad ayaa inta uu socday kulanka uu la qaatay ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ambassador James Swan shaaciyay in uu khudbad u jeedin doona dibloomaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites