Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Talyaaniga oo 330 milyan oo dollar siisay IMF si Soomaliya looga cafiyo deynta

Recommended Posts

Deeq A.   

Roma (SMN) – Dowladda Talyaaniga ayaa siisay hay’adda lacagta adduunka ee loo yaqaano IMF lacag dhan 330 oo dollarka Mareykanka ah maadaama la joogay waqtigii ay IMF iyo Bangiga adduunka go’aan ka gaari lahaayeen deyn cafinta uu dalka Soomaaliya soo dalbaday.

Lacagtan oo ah deeq ay dowladda Talyaaniga ugu talagashay in lagu dedejiyo deyn cafinta Soomaaliya ayaa waxaa ay mar qura u sahashay Soomaaliya ay noqoto dalkii 37aad ee ay deymaha ka faciyaan IMF iyo Bangiga Adduunka.

Sida lagu faafiiyay barteeda Twitter-ka, Safaarada Talyaaniga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Talyaniga ay diyaar ula tahay Soomaaliya in ay siiso 10 million oo dollar oo dheeraad ah si uu dalka uga soo kabto dhinaca dhaqaalaha.

Maalintii shalay ayay aheyd markii IMF iyo Bangiga Adduunka ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya laga cafiyay deynta, isla markaana xiriirkii ka dhexeeyay Soomaaliya iyo hay’adaha dhaqaalaha adduunka dib loosoo celiyay. Soomaaliya ayaa hadda ka qaadan karta IMF iyo Bangiga adduunka deyn cusub oo gaaraysa balaayin dollarka mareykanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this