Deeq A. Posted March 26, 2020 Muqdisho (SMN) – Xarakada Al-Shabaab oo dagaal ba’an kala soo horjeeda dowldda Soomaaliya kana taliya degaanno ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha dalka, ayaa go’aan ka soo saaray arrimaha doorashooyinka heer Federaal oo qorshaysan in waddanka laga qabto sanadka soo aadan. Go’aankan ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay mamnuuc tahay doorashada la doonayo in dalka laga qabto sannadka 2021-ka, islamarkaana waxaa Al-shabaab ku hanjabtay in ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ka qeyb-qaadata arrimahaas. Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in laga hortago hirgelinta Nidaamka Federaalism-ka dalka Soomaaliya, kaas oo ay ku sheegeen mid dalka Soomaaliya loogu gacan-gelinayo kenya iyo Itoobiya, una horseedayo colaad sokeeye iyo kala qoqob dhuleed. Warkan kasoo soo baxay Al-Shabaab oo ka kooban 14 qodob ayaa dhinaca kale lagu xusay in la laayo muhaajiriinta u dhashay waddanka Itoobiya ee ku soo qulqulaya gudaha dalka Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab amartay in meeshii lagu arko lagu dilay tahriibayaasha u dhashay Itoobiya, sidda ay hadalka u dhigeen. Qoraalkaan kasoo baxay dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa kusoo xili dhawaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay in waddanka ay ka bilaabatay doorasho taasi oo la filayo in sanadka dambe isla markaana ay noqoto qof iyo cod, sidda uu qorshuhu yahay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites