Deeq A. Posted March 26, 2020 Guddoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf Maxamed oo si gaar ah ula hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey xaaladda guud ee degmadaasi. Mr Maxamed ayaa sheegay in haatan Kaxda laga dareemayo horumar ballaaran oo dhinac kasta leh, sida xasilinta amniga, bilic soo celinta iyo dhanka dib u dhiska. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday shacabka ku dhaqan xaafadaha degmadaasi inay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin maamulka iyo ciidamada ammaanka. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/jjj.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites