Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska ciidanka Xoogga oo ka hadlay dagaalkii Deynuunaay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidanka Xoogga dalka, qeybta 60-aad ayaa ka warbixiyey dagaal shalay ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.

Taliyaha qeybta 60-aad Maxamed Sh. Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay guullo ka soo hoyeen dagaalkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay khaarijiyeen ku dhowaad illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda deegaanka Deynuunaay oo qiyaastii 25 KM u jira Baydhabo ayaa saaka degan, waxaan howlagllo baaritaano ah ka wada ciidamada milatariga Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this