Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga & QM oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, mudane danjire Mehmet Yilmaz ayaa la kulmay ergeyga xoghayaha guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan.

Qoraal kooban oo ay soo saartay safaarada Turkiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen dhinacyo badan oo quseeya Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka lagu xusay in Turkiga iyo Qaramada Midoobay ay si weyn uga wada hadleen ka hortagga cudurka Corona oo dowladda ay xaqiijisay inuu soo gaaray dalka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale tilmaamay in ay Soomaaliya ka caawinayaan, ka hortagga cudurkaan oo dunida ku haya dhibaato xoogan.

Turkiga ayaa ah saaxiibka 1-aad ee Soomaaliya, waxaana dowladda federaalka uu ka taageeraa dhinacyada tababarka ciidanka, arrimaha bin’aadanimada & caafimaadka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this