Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Cudurka Halista Ah Coronavirus Oo Wali Fara Ba’an Ku Haya Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Cudurka Corona Virus ayaa waxaa wali uu fara ba,an u ku hayaa 5 qaradood ee caalamka.

Xoghayaha guud Qaramada Midoobay ayaa ku tilmaamay caabuqa Corona in uu yahay mid halis ku ah aadanaha, islamarkana ay tahay in bina’adamku dhammaan ay la dagaalamaan.

Antonio Guterres ayaa carabka ku adkeyay in jawaab uu bixiyo dalal gaar ah ayna ku filnayn la dagaalanka cudurka islamarkana ay muhiim tahay in la isu garabsado.

Waxaa uu khudbad ka jeedinayay kulan xadhigga lagaga jarayay lacag dhan balaayiin doolar oo loogu talagalay in lagu kaabo dalalka u nugul cudurkan, kuwaasi oo aan xitaa heli Karin adeega asaasiga ah ee caafimaadka.

Hay’adda caafimaadka aduunka ayaa dhankeeda sheegtay baahidda loo qabo in cudurkan baadhitaankiisa iyo karantiilka dadka uu haleelo la sii xoojiyo.

Dalka Mareykanka waxaa imika la xaqiijiyay guud ahaan dalkaasi in ka badan 60,000 oo kiis islamarkana kala badh kiisaskaasi waxaa laga helay magaalada New York.

Spain waxaa imika la diwaangaliyay islamarkana ay tirada dhimashada ka sare martay tiradii Shiinaha ugu dhintay caabuqan Corona.

Xukuumadda Madrid ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay mareyso in ka badan 3, 400 oo qof.

Dowladda Finland ayaa xannibaad ku soo rogtay gobolka Uusimaa oo ah goobta tirada ugu badan ee dadka Corona uu soo ritay.

Dalka Kenya dowladda dalkaasi ayaa soo rogtay Bandow dhaqangali doona Jimcaha soo socda si cudurkan loo xakameeyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this