Deeq A. Posted March 26, 2020 Qodabada saakay ugu waa weyn warka subax ee GoobjoogFM ayaa waxa ay kala yihiin: Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay Shir Jaraa’id oo xafiiska uu ku qabtay waxuu uga hadlay guusha shacabka Soomaaliyeed uga soo hoyatay iyo wadadii loo soo maray deyn cafinta Guddoonka Golaha Shacabka ee BJFS ayaa soo dhoweeyay talaabadii Bankiga Aduunka,Hay’adda lacagta Aduunka iyo sidoo kale Bankiga Horumarinta Afrika ay Dalka deymaha uga cafiyeen. Golaha wakiilada maamulka Koofur-galbeed ayaa maanta yeeshay kulankoodii koowaad iyagoo doortay guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka golaha. Somaliland ayaa sheegtay in ay billaabi doonan Howlgallo looga hortagayo faafidda Caabuqa CORONA isla markana aysan ogolan doonin in Dadku isugu yimaadan koox koox. Aqonyahn Soomaliyed ayaa sheegay in Dowladda somaliya ay heli kartay xal kale oo aan ahayn go’aan dhex-dhexaadinta ahaa ee ay ka qaadatay arrinta Masar iyo Itoobiya Haddaba, halkaan ka dhageyso qodobadaasi oo intaas ka faahfahsan, waxaana soo jeedinaya Bashiir Beerdaro iyo Muno Maxamed Nuur https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/03/saakay-iyo-goobjoog-26-03-2020.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites