Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedkii Al-Shabaab ay ka damacsaneyd weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Sayidka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtay masuuliyadda weerarkii ismiidaaminta ahaa, ee maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Caumar Xasan ayaa sheegay in qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyey maqaayad ku taalla Suuqyaraha u dhow Isgoyska Sayidka.

Saalax Dheere ayaa xaqiijiyey in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof, ayada oo lix ka kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay ayaa saddex ka mid ah ay ahaayeen isku qoys, waxayna geeriyoodeen  markii la geeyey isbitalka ayaga oo dhaawac ah.

War ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qof maleeshiyadooda ka tirsanaa uu fuliyay weerarkaasi, isla-markaana uu ujeedka iyo bartilmaameedka weerarka uu ahaa maqaaxi ay qaad ku cunayeen ciidamada Dowladda, sida hadalka loo dhigay.

“Camaliyad istish-haadi ah oo mujaahidiintu ay ka fuliyeen dhabarka dambe ee Xarunta Baarlamaanka waxaa ku dhintay 9 ka mid ah Ciidamada Dowladda, 24 kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay mintidiinta Al Shabaab.

Weerarkan ayaa khuburada amniga waxay ku macneeyeen mid ka tarjumaya carada ay Shabaabku ka muujiyeen tallaabadii 16-kii bishan loogala wareegay gacan ku haynta Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa uu weerarka u muuqdaa mid ay Al-Shabaab ugu aargudayeen tiro Saraakiil ahayd, oo maalmo ka hor looga dilay tuulooyinka hoos-tagga Janaale, halka kuwo kalena ayagoo nool gacanta looga soo dhigay, sida ay sheegeen khuburada.

Shabaabku ayaa sidoo kale damacsanaa inay muujinayan cududooda iyo inay weli weeraro baqdin geliya dadka ay fulin karaan, welibana ay ka gaysan karaan xeendaabyada aadka amnigoodu loo ilaaliyo.

Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ayaa aad u wanaagsaneyd bilihii dhowaa, ayada oo tallaabooyin dhowr ah oo la qaaday ay yareeyeen qaraxyada magaalada, gaar ahaan kuwa baabuurta.

Al-Shabaab ayaa qaraxyadii ay ku fulin jirtay baabuurta waxay u muuqataa inay hadda u beddeshay kuwa is-miidaamin qofeed ah, maadaama inta badan la xiray jidadkii ay kasoo geli jireen baabuurta la qarxiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this