Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta galinkii dambe waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Sida la sheegay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay meel u dhow baar Bulsho, nawaaxiga taalada Sayidka ee degmada Howlwadaag.

Qaraxa ayaa waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah, waxaana dhaawac soo gaaray markii dambe u geeriyooday 4 qof oo 3 kamid ah yihiin isku qoys.

Qaraxa ayaa inta badan jugtiisa laga maqlayey magaalada Muqdisho, waxaa masuuliyadiisa sheegatay kooxda Al-shabaab.

Qaraxan ayaa ku soo aaday, iyadoo xaaladda amniga magaalada Muqdisho wanaagsaneyd muddooyinkii dambe.

PUNTLAND POST

The post Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this