Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor imaad xoogan oo ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad u dhexeeyey ciidanka Puntland iyo kooxo maleeshiyaad ah uu ka dhacay Gaalkacyo.

Iska hor imaadka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadku ay weerar ku qaadeen gaari nooca Booliska oo siday nin maxbuus ah oo xabsiga waqooyiga magaaladaasi ku xanuunsaday, kaas oo loo waday xarun caafimaad, si loogu soo daaweeyo halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdaasi ay si xoog ah ku furatay maxbuuska oo la sheegay inuu ku xukunaa dil toogasho ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in is-rasaaseynta labada dhinac ay waxyeelo ka soo gaartay afar qof oo uu ku jiro taliye ku xigeenka xabsiga waqooyiga Gaalkacyo.

Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha Puntland oo ku aadan dhacdadaasi, balse xaaladda ayaa haatan ah mid degan.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/War-Cali-Gaab-2.mp3

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this