Deeq A. Posted March 25, 2020 Wasiirka wasaaradda hormarka caalamiga ah ee dalka Canada, Karina Gould ayaa shaacisay in 50 Milyan oo dollar ay ku taageerayaan wadamo ay ku jirto Soomaaliya. Karina Gould oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Ottaw ee caasimadda dalkaasi ayaa sheegtay in ay malaayiinta dollar ay ugu deeqayaan wadamada Afrika ee ay ka mid tahay Soomaaliya loogu tala galay iska caabinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus. Sidoo kale wasiirka wasaaradda hormarka caalamiga ah ee dalka Canada ayaa xustay in dhaqaalahaasi ay u diyaariyeen dalal ay ka mid yihiin Congo, Kenya, Sudan iyo Somalia. Canada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in dhaqaalaha ay ugu tala gashay wadamadaan ka tirsan qaaradda Africa ay 8 Milyan oo ka mid ah ay gacanta u galin doonto hay’adaha ka shaqeeya caafimaadka iyo kuwa gargaarka ee ka howlgala guud ahaan dalalkaasi. Dhowaan ra’iisal wasaaraha Canada Justin Treadue ayaa shaaciyey in uu ka hortagga cudurka Coronavirus u qoon-deeyey illaa 50 bilyan oo dollarka Mareykanka ah, si loo yareeyo khatarta iyo saameynta uu cudurkaasi ka geysan karo gudaha wadankaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites