Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska Sayidka ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa galabta ka dhacay isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, dhinaca xiga Baar Bulsho.

Illaa iyo hadda lama yaqaan waxa qaraxa sababay, balse warar horudhac ah ayaa sheegaya in loo maleynayo inuu fuliyey qof is-miidaamiyey.

Waxaa lagu warramayaa in qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogayaal la hadlay Caasimada Online. Dadka waxyeelada ay gaartay ayaa lagu warramayaa in badankood ay yihiin shacab.

Wararka qaar ayaa sheegaya in meesha uu qaraxu ka dhacay mararka qaar ay fariinsan jireen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ayaa aad u wanaagsaneyd bilihii dhowaa, ayada oo tallaabooyin dhowr ah oo la qaaday ay yareeyeen qaraxyada magaalada, gaar ahaan kuwa baabuurta.

Al-Shabaab ayaa qaraxyadii ay ku fulin jirtay baabuurta waxay u muuqataa inay hadda u beddeshay kuwa is-miidaamin qofeed ah, maadaama inta badan la xiray jidadkii ay kasoo geli jireen baabuurta la qarxiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this