Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaallo ka dhacay Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo maanta ka dhacay deegaanka Deynuunaay oo ka tirsan gobolka Baay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaallada ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ballaaran ku qaadeen gudaha deegaankaasi, iyaga oo muddo kooban kala wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in weerar rogaal celis ah ay markale qaadeen Milatariga Soomaaliya, kaas oo uu xigay dagaal la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay dib ula wareegeen deegaanka Deynuunaay oo qiyaas ahaan 25 KM bari ka xiga magaalada Baydhabo ee K/Soomaaliya.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalladaasi, balse xaaladda ayaa haatan ah mid degan.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya deegaanada K/Galbeed Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this