Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Bangiga Hormarinta Afrika Oo Ka Cafiyay Soomaaliya Deyntii Uu Ku Lahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Bangiga horumarinta Afrika uu cafiyey deyntii Soomaaliya uu ku lahaa, kadib dadaal dheer oo dawladda ay ku sameysay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.

“Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, isla markaana aan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu kulahaa, sida ka muuqata Warbixinta uu soo saaray”

Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in warbixinta soo baxday ay muujinayso isbadalka Soomaaliya ay ka sameysay hannaanka maamulka iyo maaliyadda dalka, waxa uuna yiri “Warbixinta AFDB waxa ay cadeyneysaa isbadalka muuqda ee aan ka sameynay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka”

Wasiir Beyle ayaa xusay in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii wado dadaalka ay ugu jirto isbadalka horumarineed ee dhanka Maaliyadda dalka.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalka isbadal ee horumar ka Maaliyadda Soomaaliya, Waxa aan u mahadcelinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah UK iyo EU oo garab buuxa nagu siiyay in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir beyle.

Horey hey’adda IMF waxa ay sheegtay in dadaal dheer ku bixinayso sidii Soomaaliya dhamaan looga cafin lahaa deymaha uu caalamku ku leeyahay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this