Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamaanka Hirshabeelle oo ansixiyay miisaaniyada 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Maanta oo Talaada ah cod aqlabiyad ah ku meel mariyay miisaniyadda 2020-ka ee maamulkaasi oo ay soo diyaarisay Wasaarada maaliyadda iyo horumarinta dhaqalaha, taas oo gaareysa Toban iyo Afar milyan, toban kun sagaal boqol siddetan iyo afar dollar (14,10984.000 Us) .

Kulanka lagu ansaxiyay miisaaniyadda sanadka 2020 ayaa waxaa si rasmi ah u soo xaadiray 51 xildhiban oo uu shir guddominay Guddomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Hirshabelle Md Cabdi Xuseen Geeddi.

Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa horay u soo gudbisey Misaanadda Hir-Shabeelle ee sanadka 2020,waxaana soo ansixiyey Golaha Wasiirada Maamulkaas,kuwaas oo u soo gudbiyey Baarlamaanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this