Deeq A. Posted March 24, 2020 Soomaaliya waxaa haysta dhibaatooyin badan. Waxaana kamida amni xumo, dawlad jilicsan iyo qaad. Dhibaatada qaatku waa tan ugu weyn. Labada waxyaabood ee umadda jiritaankeeda salka u ah buu qaatku cadow ku yahay oo ah maalka iyo maskaxda qofka. Qaad-waluhu, Soomaaliya wuxuu sanad walba ka qaataa $700 million ugu yaraan,100 kun oo tan oo maandooriye qaad ahna waa cunsiiyaa ugu yaraan. Aniga oo aaminsan in Soomaalidu tahay hal qoys ah oo ku fiday geeska Africa, waxaa qaatku dhibta ku hayaa waa isirka Soomaaliga. Soomaalida dibada ku nool waxay sanad walba diraan $1.5 billion. Maalka intaa dhan wuxuu ku biiraa wixii umadu horey u haysatey. Dhaqaaluhu makorayo ee waa sii yaraanaa. Sababtu waa lacagta wadanka soogasha bar ka badan khaat-walaha baa qaata iyadoo loo wadajeedo. “Maxaa Weedha iyo Naasa Adag isku beegay”. Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi, sanadkii 2002 wuxuu yiri Kenya iyo Ethiopia ma doonayaan in Soomaaliya dawlad xoogleh ka dhalato. Hadaba maxaa isku beegay ereyga Arap moi iyo 15 sano oo dawlada Soomaaliya liciif tahay. Waa mida kala e labadii dawladood oo Arap Moi sheegay waa kuwa tobanaan ka kun oo tone oo khaat maandooriye Soomaaliya u dira. Dagaal Daroogo (Drug war) sanadku markuu ahaa 1820 English ku wuxuu China geliyey oo ku beeray darogo Opium, isaga oo dhaqaalaha kala dagaalaya, wuxuu kale oo uu ku beerey daroogo Heroen iyo Cocain . Sanadkii 1949 dadka China ee daroogadu dilatey (drug addicted) waxay ahaayeen 70 million oo qof. Nasiib wanaag, madaxweynihii China Mao Zedong muddo sadex sano ah buu China daroogadii kaga suuliyey. Khaatku hadaan si toosa oo nadaamsan buu Soomaaliya ugu socdaa. Iyadoo dadka cuna iyo kuwa aan cunin labadaba waxyeelo ugeysto nafsiyan noloshooda. Kuwa cuna xaga maanka iyo caafimadka buu ka qaldaa, kuwa aan cunina niyad jab buu ku ridaa, xattaa ayka gaabsadaan inay ka hadlaan dhibaatada khaatka. Boqolaalka million oo doolar oo intaa oo sano Soomaalida laga dhacayey iyo boqolaalka kun oo tone oo daroogo-khaat ah oo intaa oo sano la cunayey, dhibaatadii ka dhalanesey oo ay xambaar saneyd, soomaalidaa qabta oo ay kumaqan tahay. Waana waxa ayla dabandebeyso oo tiihu ugu dhacay iyo jaha-wareerku. Bal in tiih jiro, qofna reerkiisa uma ogola in lacagta laga dhaco ama la cunsiiyo qashin isaga oo arkaya haduusan tiih qabin. Dawladaha Soomaaliya khaat-walaha waxaa kaso gala tobanaan million oo doolar. Khaat-waluhu lacagta uu khaatka ka helo buu 3% dawlada canshuur ahaan u siiyaa, oo la macna ah $100 kii oo uu khaatka ka helo 97 isagaa qaato, 3 na dawladdaa leh. Sanadkii 1943, shantii qaybood ee Soomaaliyeed ee gacanta gumeysiga ku jirey waxay isu taageen iney isxoreyaan, waana xorobeen. Hadase waxaa haysta gumeyste cagaaran oo intaa oo jeer ka xun kana xanuun badan kii hore. Sida ugu fiican oo isirka soomaalida gumeystaha cagaaran isaga xoreynkaro, waa madaxda Soomaaliy ee hada joogta ee ka koban shantii qaybod ee soo halgamay, oo wadajir go’an taariikhi ah xanuun badan (painful decision) qaata, oo marqura khaatka ka mamnuuca umada Soomaalida. W/Q: Cabdullaahi Aadan Faarax The post Gumeystaha Cagaaran appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites