Deeq A. Posted March 24, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo weli ku sugan Dhoobley ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaaladaasi. Axmed Madoobe oo maanta booqday xerada ciidanka daraawiisha Jubbaland ayaa halkaasi kula kulmay ciidamo cusub oo tababar ku qaadano xeradaasi. Khudbad uu madaxweynaha Jubbaland ciidamadaasi u jeediyey ayuu kula dardaarmay inay u diyaar garoobaan howlgallo Al-Shabaab looga saarayo gobollada Jubbooyinka. Muddooyinkii la soo dhaafay madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kulamo gooni gooni ah iyo abaabullo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites