Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir looga hadlayey amniga oo ka dhacay Gaakacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan ammaanka looga hadlayey oo maanta lagu qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha ammaanka Gaalkacyo, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug iyo odayaasha dhaqanka.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu soo saaray, sidii looga hortagi falalka ammaanka darri, gaar ahaan dilalka ka dhaca gobolkaasi.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday, sidii looga hortagi lahaa jid-gooyooyinka sharci darradada ah ee yaalla halkaasi.

Mudug ayaa waxaa inta badan dhibaatooyin kala duwan ka geysta kooxo maleeshiyaad ah oo ku sugan waddooyinka gobolkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this