Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Hirshabeelle Oo Yeeshay Miisaaniyaddii Ugu Horeysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta meel mariyey Miisaaniyad-sanadeed cusub oo maamulka ku shaqeyn doono sanadka 2020-ka, waana miisaaniyaddi ugu horeysay ee maamulku yeesho.

Kulan maanta golaha baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ay ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Jowhar oo uu shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee  baarlamaanka Cabdi Xuseen Geedi, waxaana soo xaadiray 51 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

Golaha ayaa meel mariyey miisaaniyad-sanadeed gaareyso toban iyo afar milyan, toban kun sagaal boqol siddetan iyo afar dollar (14,10984.000 Us). Taas oo maamulka uu ku shaqeyn doono sanadka 2020.

Kulanka lagu meel mariyey miisaaniyadda ayaa waxaa ka maqnaa guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed isaga oo maalmahaan ku sugnaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Miisaanad-sanadeedka maanta uu meel mariyey baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa waxaa uu noqonayaa miisaniyaddii ugu horeysay oo maamulka uu yeesho tan iyo markii la aas aasay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this