Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo markale ku celisay baaq ku aadan Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Siciid Cabdullahahi oo la hadlay Shabelle ayaa markale sii adkeeyey go’aanka dowladda federaalka ay ka soo saartay kulamada dadweynah ee la’isugu yimaado goobaha qaar ee M/ Muqdisho.

Maxamed Siciid Cabdullahahi ayaa sheegay in goobaha bulshada ee ay dadka ku kulmaan ay tahay meelaha si fudud loogu kala qaadi karo Cudurka Coronavirus.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka wasaarad ahaan ay wadaan dadaallo dheeraad ah looga hortagayo faafintaanka cudurkaan oo kiis la xariira dhowaan laga helay dalka.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/Zakariye-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this